Tuesday, April 24, 2007

See somalilandpatriots.com/index.php

Xayiraadda Xoolaha Ee Somaliland Oo Xukuumadda Tony Blair

________________________________________
Lord Avebury oo xisbiga Liberal Democrat ugu jiray aqalka sare ee Odayaasha dalka Britain, ayaa xukuumadda Tony Blair wax ka weydiiyay xayiraadda Sucuudigu ku soo rogay xoolaha Somaliland uga dhoofa. Haatuf
London. April 20, 2007 (Haatuf) – Lord Avebury oo xisbiga Liberal Democrat ugu jiray aqalka sare ee Odayaasha dalka Britain, ayaa xukuumadda Tony Blair wax ka weydiiyay xayiraadda Sucuudigu ku soo rogay xoolaha Somaliland uga dhoofa.

Mudanahan ayaa su’aashaas waxa uu weydiiyay gabadha la yidhaahdo Baroness Amos oo metelaysay xukuumadda Britain, isagoo intaas ku daray inuu nuqul laga dheehan karo mashruuca JNA, waxaanu yidhi: “Ma jiraan wax horumar ah oo laga sameeyay xalinta cunaqabataynta xoolaha Somaliland ee ay ku soo rogeen wadamada carabta iyo in laga heli karo maktabadda Ingiriiska Nuqul laga dheehan karo macluumaadka JNA oo si gundheer uga waramaya barmaamijka dib u dhiska iyo dib u habaynta Somaliland ee dhawaan guddida JNA daraasada ka samaysay?”.

Baroness Amos ayaa iyadoo ka jawaabaysa su’aasha Lord Avebury waxay tidhi: “Xoolaha la joojiyay dhamaantood waxay ka siinaayeen Somalida oo dhan, waxaana xayiraada laga qaaday sanadkii 2006, laakiinse waxa taas ka dambaysay xanuunka Rift Valley oo billawgii sanadkan ku soo noqday meelihii lagu arkay berigii hore, taas oo ku keliftay Sucuudiga iyo wadamo kale oo carbeed inay joojiyaan xoolaha Somalida.”

Ms. Baroness Amos waxa kale oo ay intaas raacisay in wadamada Yurub ay wadaan sidii ay u abuuri lahaayeen istiraatijiyad mucaawinooyin waxtar leh lagu siinayo Soomaalida iyo sidii kalsooni buuxda xoolaha Somaalida loogu soo celin lahaa, “talaabooyinkaasna waxa ka mid ah sidii loo heli lahaa adeeg aan kharash badan ku kicin isla markaana sugaya caafimaadka xoolaha, in la horumariyo daryeelka xoolaha Somalida ayaa qayb kaga jirta mashruuca JNA ee loogu talo galay dib u dhiska iyo qorshaha horumarineed ee Soomaalida. Macluumaadka ay JNA soo ururisay waxay ka koobnaayeen lix qaybood waxaana laga heli karaa internet ka, hawshuna imika way socotaa oo waxa isku dubaridkeeda u xilsaaran World Bank ka iyo UNDP oo loogu talo galay qaybaha maamulada Soomaalidu ka kooban yihiin barmaamijka ka dib iyo qorshaha horumarineed kaas oo la filayo marka la soo dhamaystiro macluumaadka in iyagana website-ka la soo galin doono” ayay hadalkeena ku soo xidhay.

Haatuf

No comments: